BUULOBURDE (SMN) – Wararka laga helayo Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay rag hubeysan ay dilal qorsheysan ka geysteen gudaha degmada Buuloburde oo ka tirsan gobolkaasi.
Dilalka ayaa loo geystay laba qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari ka tirsan ciidamada Nabad Sugidda ee ka howlgala magaalada Beledweyne, balse fasax ku joogay degmada Buuloburde, halka qofka kale uu ahaa nin shacab ah oo la socday askariga la rasaaseeyay.
Sidoo kale waxaa falkan ku dhaawacmay wade mooto Bajaajle oo ay marxuumiinta la socdeen xilliga la dilayey.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgal lagu soo qabtay eedeysane lagu tuhmayo falkaasi sababay dilka iyo dhaawaca.
Buuloburde oo ka mid ah meelaha uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan dari oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo.