Ciidamada ammaanka oo howlgal ka sameeyey Howlwadaag + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska, gaar ahaan kuwa saldhigga degmada Howlwadaag ayaa xalay howlagl lagula dagaalamayo maan-dooriyaha ka sameeyey agagaarka Warshadda Taraqa iyo Sigaarka.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgalka ku burburiyey goobo si sharci darro ah loo dhisay, laguna iibinayey waxyaabaha maanka dooriya, sida Qamriga, Xashiishka iyo Calaqa.

Taliyaha saldhigga Howlwadaag, Najiib Carab oo ka warbixiyey howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay sugidda amniga, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo isdaba joog ah oo ay sameynayaan ciidamada Booliska, kuwaaas oo si toos ah u beegsanaya meelaha lagu iibiyo  waxyaabaha maanka-dooriya oo la tilmaamo inay qayb ka yihiin falalka amni darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here