Ciidamada ammaanka oo qaraxyo ku qabtay duleedka Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta howl-gallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen walxo qarxa oo lagu aasay halkaasi.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday inay xogta qaraxyadaas u soo gudbiyeen shacabka, kuna guuleysteen inay soo saaraan miinooyinkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa u mahadceliyey shacabka deegaanka, waxaana ay sheegeen inay sii socon doonaan howl-gallada lagu sugayo amniga ee ka socda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here