Ciidamada ammaanka oo xalay howl-gal ka sameeyey Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Howl-galka oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ku dhow xarunta madaxtooyada, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Maana-Booliyo, illaa Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay howl-galkaasi ku sooq ab-qabteen tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha hay’adaha amniga ka bixiyeen howl-galkaasi laga fuliyey degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Habeen hore ayey aheyd markii sidan oo kale howl-gal qorsheysan ciidamada ay uga fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here