Ciidamada amniga oo soo qabtay askari dilay darawal marayey wadada Balcad

0

BALCAD (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay askari saaka nin darawaal ahaa ku dilay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Balacad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Askariga lasoo qabtay oo ku eedeysan dilka Marxuum Saalax Gaadaay oo saaka lagu dilay goob ay isbaaro tiilay ayaa lagu soo warramayaa in lagu wareejiyey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Dhacdadan ayaa si aad ah u qabsatay baraha bulshada ee Internetka, ayada oo dadka shacabka ah ay dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno askariga geystay falkaasi dilka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here