ATMIS oo lagu wareejiyay amniga goobta uu ka dhacayo shirka Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee howlgalka ATMIS, kuwaas  oo lagu wareejiyay amniga goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee ka dhacaya magaalada Baydhaba.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadashaqeyaan amniga.

Shirka Koonfur Galbeed oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furaya madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhaba, waxaana ka qayb-galaya mcaaradka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here