Ciidamada badda ee Galmudug oo gacanta ku dhigay markab kalluumeysi

0

HOBYO (SMN) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay markab kalluumeysi oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha maamulkaasi, gaar ahaan dhinaca degmada Hobyo ee Mudug.

Saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee Galmudug ayaa sheegay in markabkan uu sitay calanka dalka Shiinaha, isla-markaana haatan la keenay dekedda magaalada Hobyo.

Sidoo kale waxay saraakiishu intaasi ku dareen inay ka qaadi doonaan markabkan shaqaalaha la socda tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa markabkan lagu raadjoogan, kadib markii ay cabasho ka keeneen kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ku sugan xeebaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here