Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay askari dil ka geystay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askari dil ugu gaystay galabta darawal mooto Bajaaj isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud, waxaana dilkiisa ka dhashay falcelin xoogan iyo banaanbax ay dhigeen dadka deegaanka.

Taliyaha qeybta guud Mahdi Cumar Muumin oo dhankiisa hadlay ayaa shaaca ka qaaday in mar walba ay diyaar u yihiin ka shaqeynta amniga caasimadda cid walba oo dhib u gaysta shacabka sharciga la hor gayn doono.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ilaalada taliyaha saldhigga Booliska ee Kaaraan.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho ka geysta dhibaatooyin kala duwan sida dil iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here