Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay rag weerar ka geystay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo la sheegay in ay maanta weerar loo adeegsaday bam-gacmeed ka geysteen magaalada Muqdisho.

Raggan ayaa lagu qabtay waddada 21-ka October ee degmada Waabari iyaga oo la socdo mooto Bajaaj, sida uu shaaciyey afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Sadiiq Doodishe oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in raggan toogasho lagu dhaawacay, islamarkaana haatan lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

“Ciidamada Boliiska Soomaaliyed ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10/11/2022 abaara 10:30 gacanta ku dhigay eedeysanayaal watay Mooto Bajaaj,ku waas oo la rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aaga Hotel Nasahablood,” ayuu ku yiri qoraalka afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyed.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada lagu sugayo amniga, si looga hortago qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here