Booliska oo gacanta ku soo dhigay askari maanta dil ka geystay Xamarweyne

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay dil maanta qof shacab ahaa loogu geystay degmada Xamarweyne ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Sadiiq Aadan Doodishe oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in dilka loo geystay marxuum Abuubakar Maxamed Nuuraani oo 65 sano jir ahaa, kaas oo lagu dilay Waaxda Gobonimo.

Sidoo kale wuxuu afhayeenka tilmaamay in eedeysanaha oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka la soo xiray, isla-markaana uu hadda ku jiro gacanta Booliska Soomaliyeed.

“Maanta 1:20 duhurnimo, ayaa Boliiska Gobolka Banaadir, gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka, oo Degmada Xamar-weyne Waaxda Gobonimo ku dilay Abuubakar Maxamed Nuurani, 65 jir ahaa Ina Hooyo Saaman Cali Abuukar”ayuu yiri Sadiiq.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanaha ayaa Cadaalada Wajahaya, IA” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Inta badan askarta dowladda ee ku sugan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa dilal u geysata dadka shacabka ah, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here