Ciidamada Danab & kuwa Jubbaland oo gacanta ku dhigay hub & raggii watay

0

KISMAAYO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay si wadajir ah ciidamada Danab ee Xoogga dalka iyo kuwa Nabad Sugidda Jubbaland uga sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgalka oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaannada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq Dabeyl iyo Barjalla.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 4 xubnood iyo hub.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ay gacanta ku dhigeen ay ku jiraan walxo ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada, sida ay hadalka u dhigeen.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here