Ciidamada Danab oo howl-gal ka fuliyey gobollada Jubbooyinka

0

KISMAAYO (SMN) – Howlgal qorsheysan ayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska DANAB oo ay wehlinayaan  Ciidanka daraawiishta Dowlad Goboleedka  Jubbaland,  ka fuliyeen deagaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa sigaar ah  howlgalkan uga fuliyay degaannada Hiloshiid, Janay Cabdale, Kubokibir, iyo deegaanka Canjeel, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay  in howlgalka ay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here