Ciidamada Danab oo howl-gal qorsheysan ka fuliyey Shabeelaha Hoose

0

AWDHEEGLE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa si gaar ah howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan uga sameeyey deegaanada Tawakal, Daaru Salaam iyo Shaam Garre oo hoostaga Awdheegle.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ayaa shaaca ka qaaday in ay burburiyeen xarumo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here