Ciidamada Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

BELEDWEYNE (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal ay xalay ciidamada Danab ka sameeyeen deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu beegsaday saldhig weyn oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas, laguna dilay illaa 18 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Danab ay burburiyeen fariisimo kale iyo xafiisyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa intaasi kusii daray in howlgalka uu sii socon doono, isla-markaana ciidamada dowladda ay guullo ka gaareen dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here