Ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ku diriray deegaan u dhow Aadan Yabaal

0

AADAN YABAAL (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Juxay oo u dhow degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ka qayb-qaadanayaan diyaarado dagaal, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in qabtaan Aadan Yabaal oo saldhig weyn ay ku leeyihiin Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here