Ciidamada DF iyo kuwa dadka deegaanka oo maanta dib uga soo baxay Qaayib

0

CADAADO (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen deegaanka Qaayib ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa soo faarujiyey dhammaan fariisimihii ay ku lahaayeen deegaankan oo horey looga saaray Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada huwanta ay saldhigyo cusub ka sameysyeen halka loo yaqaano Cali Wayt oo qiyaastii 17 KM ujirta Qaayib.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey aheyd markii weerar culus ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Qaayib, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Si kastaba, ciidamada huwanta ayaa horay uga soo baxay deegaanka Wabxo ee isla gobolka Galgaduud, kaas oo ka mid ahaa meelihii ugu dambeeyey ee lala wareegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here