Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh

0

BELEDWEYYNE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay la wareegeen deegaano horleh oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada huwanta oo sameeyay howlgallo wadajir ah ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen deegaanada kala ah Domalik iyo Xamirtoley oo dhaca galbeedka Beledweyne.

Deegaanadan ayaa waxaa horay ugu sugnaa xoogaga Al-Shabaab oo fariisimo kala duwan ku lahaa halkaasi.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha uu sida xoogan uga socdo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here