Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

AADAN YABAAL (SMN) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay howlgal ka fuliyeen agagaarka deegaanka Alkowsar oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Abshir Wadani ayaa Radio Shabelle u sheegay inay beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Abshir Wadani ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaadleh gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna ka dileen illaa afar tameeyo, isla-markaana uu jiro dhaawacyo ay horay u qaateen.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan aaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la’isku yiraahdo HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here