Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo maanta la wareegay deegaanka Ceelhuur

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada Galmudug ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa gudaha u galay deegaankaasi oo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Galmudug ayaa waxaa lagu boggaadiyay qabashada deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug  iyo ciidanka kacdoonka dib u xoreynta ay ku xoreeyeen deegaanka Ceelhuur.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka qalabka sida, Daraawishta Galmudug iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganka Ceelhuur ee Gobolka Mudug, halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Argagxisada ee Alshabaab.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo Guud ahaanba Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here