Ciidamada DF & kuwa Jubbaland oo howl-gal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah ciidamadu ay uga sameeyeen deegaanada Koban, Araare, Lafaha-Ragga iyo Xero–Shiid ,kuwaas oo ka wada tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Ugu yaraan 10 xubnood oo isugu jiro saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-galkaasi, sida uu shaaciyey guddoomiye deegaanka Buulo-Gaduud oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay shaaca ka qaadeen inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here