Ciidamada DF oo gaari siday walxaha qarxa ku gubay Masaajid Cali Gaduud

0

CADALE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ay gaari siday walxaha qarxa ku gubeen duuleedka deegaankaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa innoo sheegay in ciidanka ay gubeen gaariga qaraxyada siday, kadib xog ay heleen, sida uu tilmaamay.

Gaariga ay gubeen ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Gorgor ayaa la sheegay inuu noociisu ahaa Leyla Calaawi, islamarkaana la doonayay in lagu weeraro fariisin ay ciidamadaas ku leeyihiin duuleedka deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Deegaankam ayaa Al-shabaab u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay lacagaha canshuurta uga qaadan jireen gadiidka dadweynaha ee u kala safra gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here