Ciidamada DF oo ‘howlgal ku dilay nin miino ku aasayey’ deegaanka Halgan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyey gobolkaasi ay toogasho ku dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ninka la dilay uu qarax miino ku aasayo waddo muhiim ah oo ku taalla deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo howlgallada lagu sugayo ammaanka ee ka socdo halkaasi.

Halgan ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee laga saaray Al-Shabaab, kadib dagaallo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here