Ciidamada DF oo howlgal kula wareegay Moqokori iyo wararkii ugu dambeeyey

0

BELEDWEYNE (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay isaga baxeen Moqokori, kadibna ay si buuxda ula wareegeen deegaankaasi.

Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday tuulada Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori, halkaas oo ay haatan ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howlgallo ballaaran ka waday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here