Ciidamada DF oo howlgallo ka bilaabay Aadan Yabaal iyo wararkii ugu dambeeyay

0

AADAN YABAAL (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo saacadihii lasoo dhaafay gudaha u galay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa howlgallo ka bilaabay gudaha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay isku ballaariyeen degmadaas oo ay muddo ka badan 15 sano gacanta ku hayeen Al-Shabaab waxayna u aheyd degmo istaraatiiji ah.

Ciidamada huwanta ayaa guri guri u baaraya xaafadaha degmadaasi, si loo xaqiijiyo amniga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay howlgalka lagu qabtay degmada Aadan Yabaal ayaa boggaadiyay ciidamada dowladda iyo kuea dadka deegaanka, wuxuuna sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa haatan guluf ka dhan ah Al-Shabaab ka wada inta badan gobollada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here