Ciidamada DF Soomaaliya oo burcad hubeysan ku qabtay Garasbaaley

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ballaaran oo ay xalay ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu soo qabtay afar nin oo lagu eedeeyey inay dhac ka geysanayeen xaafado ka tirsan deegaankaasi.

Saraakiisha horkaceysay howl-galka ayaa sheegay in raggan ay ku hubeysnaayeen bistoolado, isla-markaana ay wateen mooto Bajaaj, xilliga gacanta lagu soo dhigayey.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howl-gallo ay wadeen ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo loogu soo aadiyey xilliga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here