Ciidamada DF Soomaaliya oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

0

BELEDWEYNE (SMN) – Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa weli howlgallo culus waxa ay ka wadaan qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay saaka la wareegeen deegaanada kala ah Fiidow iyo Xararlugoole oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Korneel Cabdinaasir Sheekh Cali Gaabow oo ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay gudaha u galeen deegaanadaasi, kadib markii ay xalay hareereeyeen, wuxuuna tilmaamay in fariisimo cusub ay ka sameysteen halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi, si looga hortego weeraro uga yimaada dhanka Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya maleeshiyaadka deegaanka ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here