Ciidamada DF Soomaaliya oo la wareegay deegaan hoostaga Dhuusamareeb

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay duulaan ku qaadeen fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ka dhacay dagaal foolka fool ah.

Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dagaalkaasi khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay kala wareegeen deegaanka Orshe ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here