Ciidamada DF Soomaaliya oo la wareegay deegaano ku yaalla gobolka Sh/Hoose

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo weli howl-gallo ka wada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la wareegay deegaano hor leh oo ku yaalla gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaanada kala ah Macalinka, Sabriye ,Balod, Binaanka-Balow, moordiinle iyo Ciise Lugoole oo hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha horkaceysa howl-galladaasi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay dileen illaa 6 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi kusii dareen inay sii wadaan dhaq-dhaqaaqyada iyo howl-gallada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here