Ciidamada DFS oo degaano horleh kala wareegay Al Shabab

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Degaanka ayaa howlgallo kala duwan waxaa maanta ay ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka Baay.

 

Howlgalladan ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay kula wareegeen Degaanka Goof-gaduud Buureey iyo kuwa kale oo ka tirsan Gobolka Bay.

Degaannadan maanta u gacan galay Ciidanka Dowladda ayaa todobaadka hor waxaa dagaal kula wareegay Kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka Kooxda Al Shabaab.

Ilaa hadda majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan howlgalladii maanta ka dhacay Gobolka Bay.

Howlgallada ka socda Dalka ayaan weli gaarin Degaannada Gobolka Bay, iyadoo xusid mudan in Ciidanka Dowladda iyo kuwa Degaanka ay la wareegeen Degaan lagu magacaabo Obaale oo ku yaalla Duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.

Kooxda Al Shabaab ayaa lumiyay gacan ku heynta Degaano iyo Degmooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka, tan iyo markii Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here