Ciidamada dowladda Itoobiya oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay degmada Doolow

0

DOOLOW (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Itoobiya ay gudaha u galeen degmada Doolow ee gobolkaasi, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa beddalay kuwii hore muddada dheer u joogay garoonka diyaaradaha ee degmadaasi, kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii hore ee ku sugnaa aagaas dib loogu celiyay Itoobiya, waxaana lagu soo beddalay kuwa cusub oo haatan lagu soo dhaweeyay.

Taliyaha Nabad Sugidda ee gobolka Gedo,  Janeraal Jamaal Xasan Sarey oo ka hadlay isbeddalka lagu sameeyay ciidamada Itoobiya ayaa u mahadceliyay ciidamadii horay u jooga gobolkaasi, wuxuuna sheegay inay la shaqeynayaan kuwa cusub ee lagu beddalay.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dalalka dariska ah ee ay ciidamada ka joogaan gudaha waddanka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-qaata dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here