BARAAWE (SMN) – Wararka laga helayao gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ay howlgallo ka wadaan duleedka degmada Baraawe ee gobolkaasi.
Howlgalladan ayaa ujeedkooda uu yahay kuwo ka dhan ah Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysata halkaasi.
Ciidamada huwanta ayaa isku ballaariyey deegaano dhowr ah oo hoostaga magaalo xeebeedka Baraawie, halkaas oo ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus.
Shabeelaha Hoose oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa weli deegaano ka haysta Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka soo abaabusjha gobolkaasi.