Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-Shabaab kala wareegay Galcad

0

GALCAD (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay maanta gudaha u galeen magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa haatan howlgallo ka wada magaaladaas iyo hareeraheeda, sida uu shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada huwanta ay sii socon doonaan, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay gaaraan degmada Ceeldheer oo ku taalla dhinaca xeebta.

Howlgalka lagu qabtay Galcad ayaa waxaa sidoo kale barbar socotay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ka socdo Galmudug ayaa qayb ka ah dadaalka ay wado dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka, si looga adkaado Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here