Ciidamada DF iyo kuwa Galmuudg oo la wareegay degaan ku tirsan Galgaduud

0

CADAADO (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Galmuudg ayaa lagu soo warramayaa inay maanta la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Qaayib oo hoostaga magaalada Cadaado, halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo halkaasi.

Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha sida weyn uu uga socdo gulufka dagaal ee ay waddo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Galmuudg iyo sidoo kale dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here