Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo sameeyey howlgal culus + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad sugidda ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal wadajir ah ka fuliyay tuulada Kaamjarroon iyo deeganno hoostaga ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa ku guuleystey sii deynta maxaabiis ku xirnayd xabsiga tuulada Kaamjarroon, kadib markii ay halkaasi isaga tageen Xoogaga Al-Shabaab

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay sidoo kale ciidamada huwanta waxay ku burburiyeen saldbhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here