Ciidamada DF oo ‘burburiyay xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen’ Sh/Hoose

0

MARKA (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada NISA iyo kuwa Haramcad ay ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaano ku teedsan waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee gobolkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay howlgalladan ayaa sheegay in lagu burburiyay xarumo qarsoodi ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Ceel-Maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolka Shabeelaha Hoose.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here