Ciidamada DF Soomaaliya oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaano hoostaga magaalada Garbahaarey oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gal qorsheysan kula wareegeen tuulada Barwaaqo iyo deegaano kale oo hoostaga degmadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galladaasi ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.

Garbahaarey ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka socday howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo, maadaama lagu qabanyo doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here