Ciidamada dowladda oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen xadka uu gobolkaasi la wadaago gobolka Galgaduud.

 

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shababa, halkaas oo ay la wareegaan ciidamada isbaheysanahaya.

Deegaanada lala wareegay oo dhaca dhulka hawdka ah ayaa waxaa kamid ah Hilowle Gaab, Dumaaye, Kalabeyr iyo Xaaji Gacal oo dhaca xadka u dhexeeya labada gobol.

Saraakiisha howlgalladan hoggaamineysa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, isla-markaana ay xoreyn doonaan deegaanada kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay weli ka socdaan aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here