Ciidamada dowladda oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada degmada Maxaas

0

MAXAAS (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay maanta dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan degmada Maxaas.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah sidii ay dib ugu noqon lahaayeen deegaanada Yasooman iyo Moqokori oo ay shalay ka soo baxeen.

Wararka ayaa sheegaya in abaabul xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo halkaas, ayada oo sidoo kale saa saan dagaal laga dareemayo duleedka degmada Maxaas.

Gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka socday howlgallo culus oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada gobolladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here