Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay mooto Bajaaj sidday qaraxyo + Sawirro

0

AFGOOYE (SMN) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku qabtay mooto Bajaaj sidday ugu yaraan labo nooc oo qarax ah, sida uu sheegay afhayeenka booliiska.

Qoraal ka soo baxay taliska booliiska ayaa waxaa lagu sheegay in qeybta la dagaalanka qaraxyada ee booliiska qabteen mooto Bajaaj waday miinooyin iyo laba ruux oo la socday.

“Argagixisada ayaa dhagartaan la damacsanaa inay ku wax yeelaayaan shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, halkaas ayeey Ciidanku uga hortageen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa Al-Shabaab waxa ay kordhisay weerarada qaraxyada ah iyo dilalka qorsheysan, waxaana dhanka kale socdo howlgallo culus oo ay iyaguna wadaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here