Ciidamada dowladda oo gudaha u galay deegaanka Masaajid Cali Gaduud

0

CADALE (SMN) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la wareegay guud ahaan deegaanka, waxayna ka bilaabeen howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta aysan wax iska caabin kala kulmin dhanka Al-Shabaab, islamarkaana ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaasi.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab inta aysan ka bixin deegaanka ay qaraxyo ku aaseen, kuwaas oo si xoogan looga dareemay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa Masaajid Cali Gaduud oo maalmihii u dambeeyey ay ka dhaceen dagaallo culus oo khasaare geystay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here