Ciidamada dowladda oo howl-gal ka sameeyey magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada dowlada ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Howl-galka ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Kaaraan, waxaana horkacayey taliyaha cusub ee loo magacaabay saldhigga degmadaasi, Salaad Caraale.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galka lagu soo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay ku jiraan burcad la sheegay inay dhac ka geysanayeen degmadaasi.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in sii laba jibaari doonaan howl-gallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga caasimadda.

Muqdisho ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, waxaana haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here