Ciidamada dowladda oo howl-gallo ka sameeyey duleedka Balcad

0

BALCAD (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ay ciidamada dowladd saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ay fuliyeen ciidamada Xoogga, qeybta 27-aad ayaa waxa ay ka fuliyeen deegaanada Basra, Buulo-Kuute iyo deegaaanno kale oo hoostaga degmada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay howl-galladaasi ku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Sidoo kale saraakiisha milatariga ee hoggaamineysa howl-galladaasi ayaa shaaciyey inay wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa sii kordhayey falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Balcad iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here