Ciidamada Xoogga oo howlgal ku dilay saraakiil.ka tirsanaa Al-Shabaab

0

XARARDHEERE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolkaasi.

 

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Dumaaye ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo marayay deegaankaasi, kuwaas oo ay waddada u galeen ciidamada isbaheysanaya.

Saraakii watay kooxdaas oo Soomaali ah iyo mid kale ajnabi ah ayaa lagu dilay howlgalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa isla goobta lagu dilay 5 xubnood oo ilaalo u ahaa saraakiisha lagu dilay howlgalka ka dhacay gobolla Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xarardheere ayaa maanta hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku soo dhamaaday guul.

Howlgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay Khawaarijtu joogtay, iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo si wayn la isugu dubbariday, bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay goballadaas.

Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo dhagarqabayaashaasi ay wateen.

Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here