Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

BALCAD (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen agagaarka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay ugu yaraan 49 ka tirsanaa Shabaab oo ku sugnaa tuulada Dhagaxow oo hoostagta Xawaadley.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ay soo furteen gaadiid dagaal oo ay Shabaab horay uga qaateen ciidamada dowladda, kuwa kalena laga gubay kooxda.

Xaaladda deegaanka howlgalka laga sameeyay ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab.

Hwolgalka ayaa jawaab u ah weerarkii is-mdiidaaminta ahaa ee ay maalmo kahor Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidanka dowladda ee deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Sh/Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here