Ciidamada dowladda oo howlgallo culus ka sameeyay Masagawaay + Ujeedka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen deegaanka Masagawaay oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo ay maalin ka hor kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab, kadib markii ay ku qaadeen weerar dhowr jiho ah.

Ciidamada huwanta ayaa ku guuleystay inay qarxiyaan miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen deegaankaasi oo ay sanado badan ka talinayeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in ay soo saareen illaa 4 miino, kadibna ay qarxiyeen, ayaga oo aan geysan wax khasaare ah.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu shacabka ugu baaqeen inay muujiyaan feejigaan dheeri ah, si aysan waxyeelo uga soo gaarin qaraxyada miino ee inta badan ka dhaca deegaanada laga qabsado Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka Masagawaay ayaa hadda ah mid degan, waxayna ciidamada kusii siqayaan tuulooyinka hoostaga deegaankaasi, si ay sii dhaqaajiyaan howlgallada socdo.

Howlgalka lagu qabtay Masagawaay ayaa billow u ah duulaan ka dhan ah Al-Shabab oo ka bilaabanaya Galmudug, gaar ahaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa kasoo billowday gobolka Hiiraan, waxaana kadib ku xigay gobolka Shabeelaha Dhexe oo haatan inta badan laga saaray Al-Shabaab, waxaana meelaha la qabtay ka mid ah degmooyin muhiim ah oo ay in ka badan 15 sano ku sugnaayen xoogaga hubeysan oo haatan wajahaya guluf uga imaanayo dowladda dhexe oo kaashanayesa ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Si kastaba, dagaalka ka socdo gobolllada dalka ayaa marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, wuxuuna gulufku gaaray gobollo cusub. ayada oo la filayo inay howlgaladaas ku biiraan ciidamada lagu soo tababaray Eritrea, kuwaas oo hadda diyaar ku ah magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here