DHUUSAMAREEB (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay haatan howlgallo ka dhan ah Al-Shababa ka bilaabeen gobolka Galgaduud.
Ciidamada huwanta ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Galgcad ee gobolkaas, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada horleh ay kasoo tallaabeen xadka gobolka Shabeelaha Dhexe, isla-markaana ay kusii siqayaan gobolka Galgaduud, si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya deegaanada gobolkaasi.
Dowladda federaalka ayaa hoggaamineyso duulaankan, wuxuuna ujeedka uu yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Galmudug.
Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.