Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyey waqooyiga Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen waqooyiga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey  Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee ciidanka Danab, kuwaas oo gaaray deegaannada kala ah:- Dheycabdi, Mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo Bandarjadiid oo dhammaantood ka wada tirsan gobolkaaasi.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay inay ku guuleysteen soo saarista 9 miino oo ay tilmaameen in Al-Shabaab ay ku aaseen halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dareen inay cagta mariyeen saldhigyo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen waqooyiga magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada iyo howlgallada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here