Ciidamada dowladda oo howlgallo miino baaris ah ka wada deegaanka Al-Kowsar

0

AADAN YABAAL (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka degmada Aadan Yabaal.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada milatariga Soomaaliya ay howlgallo miino baaris ah ka balaaben deegaanka Al-Kowsar oo ay shalay kala wareegeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in ay sii wadayaan  howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Sh/Dhexe, inta guud ahaan laga saarayo gobolkaasi.

Al-Kowsar oo hoostegta Aadan Yabaal ayaa waxaa horay ugu sugnaa Al-Shabaab, balse dagaal kadib waxaa la wareegay ciidamada huwanta oo ku sii siqaya deegaano kale.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah uga socdaan howlgallada xoreynta ah ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here