Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaano horleh oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamadan oo uu horkacayo xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa la wareegay deegaano u dhexeeyo degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab

Deegaanada lala wareegay ayaa waxaa ka mid ah:- Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo dhammaantood ku yaalla Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay isku sii fidiyeen deegaanadaasi, si ay uga hortegaan weeraro uga yimaada dhanka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here