Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ku dhow degmada Ceelbuur

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ayaa galabta la wareegay deegaannada Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof, kuwaas oo muddo 15 sano ah ay maamuleysay Al-Shabaab

Deegaannadaan ayaa ah kuwo muhiim u ahaa Al-Shabaab, islamarkaana hoosta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanada qaar ay dagaallo ka dhaceen, halka kuwa kalena ay isaga baxeen, kadibna ay gudaha u galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay fariisimo ka sameysteen agagaarka deegaanka Wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here